Maxkamada ku taala wadanka Yemen ayaa saxafi lagu magacaabo Maxamed Al maqaalix kusoo oogtay dambi ah in uu taageero Mucaaradka Xawthiyiinnta,kaas oo sida uu sheegay xeer ilaaliyaha Maxkamada argagixisada iyo burcada Yemen Siciid Caaqil ay heleen cadaymo muujinaya in uu Al maqaalix garabsiinayay kooxdaasi.
Maxamed Al maqaalix oo ah saxafi marna ku jiray siyaasada wadankaasi Yemen ayaa iska fogeeyay dhamaan eedaymihii loosoo jeediyay markii lahor keenay Maxkamada,waxaana fadhigii Maxkamada oo ay u dhamaayeen garsoorka iyo xeer ilaalinta Maxkamadaasi dib loo dhigay markii uu diiday almaqaalix in uu galay dambiyadii ay xeer ilaalintu usoo jeedisay.
Saxafiga la horkeenay Maxkamada ayaa ahaa mid ay xeer iaalintu dambigiisa u cus kanaysay ku taageerida kooxda Xawthiyiinta qoraal,iyadoona uu alagaadooyin iyo cambaareyn sida ay sheegeen uu usoo jeedin jiray dowlada Yemen.
Maxkamada la hor keenay Al Maqaalix,waxaa ay horay mudo lix sano ah ugu xukuntay saxafiga Cabdi Kariim Al khayawaani oo la sheegay in uu alagaado dhinaca qoraalka ah ugu geystay Madaxweynaha dowlada Yemen Cali Cabdalla Saalax.
Al maqaalix oo mudo ku xirnaa xabsi ku yaala Yemen ayaa haatan Maxkamadu u ogolaatay in uu lakulmo qoyskiisa oo mudo baadigoobayay halka uu ku xiranyahay,kadib markii ay laamaha sirdoonka Yemen ay si qarsoodi ah gurigiisa goo habeenimo ah ugala baxeen.
Post new comment