Guramd xoogleh oo u yimid Al Shabaab.

Sun, 07/02/2010 - 09:37

Wararka naga soo gaaraya Deeganada loo barakacay ee Ceelasha biyaha iyo Lafoole ayaa sheegaya in halkaasi ay soo gaareen ciidamo fara badan oo ka tirsan Shabab kuwaasi oo dhawaan u soo xirmay tababar ciidan la doonayana in lageeyo magaalada Muqdisho .

Ruux goob jooge ah ayaa noo sheegay in uu arkay gaadiid dagaal aad u fara badan isla markaana ku soo wajahan dhanka magaalada Muqdisho qul qulaya ee Xarunta Gobolka Banaadir si ay uga hortagaan weerarada dhawaana laga filanayo in ay soo qaado dowlada TFG-da .

In kastoo saakay xaaladu tahay mid xasiloon hadda dadku waxay ka cabsi qabaan gurmadyada faraha badan oo saacadihii ugu danbeeyey soo gaarayay magaalada Muqdisho , gurmadyadaasi oo laga yaabo in ay sii holciyaan xiisadaha u dhaxeeya Shabab iyo TFG-da .

Wadada isku xirta Afgooye iyo Degaanada loo barakacaya ayaa xalay ilaa iyo saaka waxaa lagu arkayaa gawaarida Shabab oo ay ka buuxaan Ciidamo cusub kuwaasi kuna libisan Dareeska Militariga ,ciidamadaani ayaa laga yaabaa in ay isla manata garaan goobaha ay ku suganyihiin Shababka sida Bakaraha Suqa Xoolaha iyo Degmooyinka Shibis iyo Karaan .
Sidoo kale xariiro aan la samaynay dadka ku dhaqan Degmada Afgooye ayaa inoox aqiijiyay in ay soo gudbeen ciidamo kor u dhaafaya ilaa iyo 6 Waaraad kuwaasi oo ku soo jeedo Muqdisho lama ogo xalada Muqdisho sida ay ahaan doonto haday soogaaraan dhamaan ciidamadaani ku soo wajahan .

Dhaq-dhaqaayada ka socda Magaalada Muqdisho ayaa galay maalintii Lixaad dadka tirada yar ayaa ka quusteen xal u helida Caasimada , waxayna wali ku jiraan oo ay ku dhibaateesanyihiinn dadkii Muqdisho deegaanada loo barakacay ee Afaafka Caasimad"Xamar Daye " xaaladooduna waa mid aad u liidata.

Abdi Ismaciil Baaruud
Moqdisho

Post new comment

  • Web page addresses and e-mail addresses turn into links automatically.
  • Allowed HTML tags: <a> <em> <strong> <cite> <code> <ul> <ol> <li> <dl> <dt> <dd>
  • Lines and paragraphs break automatically.

More information about formatting options

CAPTCHA
This question is for testing whether you are a human visitor and to prevent automated spam submissions.
16 + 2 =
Solve this simple math problem and enter the result. E.g. for 1+3, enter 4.