Mr Andi ayaa sheegay inuu Mooto watay kadib markii uu qarxay Sigaarkii uu afka ku haystay taas oo aan la garanayn waxa sababay qaraxa sigaarka.
Shirkada samaysay sigaaarkan ku qarxay ninkan oo la yidhaahdo PT Nojorono Tobacco ayaa bixisay kharashka ku baxay dawaynta ninkan oo dhan 5 Milyan oo Rubi una dhigan ta 335 Gini.
Ninkan oo ka mid ah Ilaalada Amniga ayaa u sheegay Saxaafadda Indonesia in Sigaarkan oo Clas Mild la yidhaahda uu qarxay hal mar cabaar kadib markii uu shiday.
Wargeyska Jakarta Post oo soo xiganaya ninkan ayaa qoray in ninkan oo bilaabay cabista sigaarka isagoo ciyaalo iskuulka aanu waligii dhibaato kala kulmin sigaar cabista tana tahay markii ugu horeysay aanu iska dayn doono cabista kadib dhibaatada ka raacday.
Afhayeen u hadlay Shirkada Sigaarka samaysay ayaa sheegay inay qorsheenayaan inay dalbadaan in dib losoo celiyo dhamaan sigaarka la nooca ah noocan qarxay
Wadanka Indonesia ayaa ka mid ah wadamada Dhaqaalaha ugu badan kasoo galo sigaarka waxana la sheegay in 60% Boqolkiiba Lixdan Raga reer Indonesia ay sigaaryo Cab yihiin.
Post new comment