Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB . Jaamac Yaasiin Faaax iyo wafdi balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maalintii shalay kormeer ku soo sameeyay sadex xarumood oo kamid ah xarumaha xisbiga talada dalka haya ee udub , halkaas oo si aad u balaadhan loogu soo dhaweeyay. Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax, iyadoo goobihii uu booqanayayna loogu soo dhaweeyay ciyaaraha hindaha iyo dhaqanka
Hadalkii koobnaa ee Xoghayaha guud dadweynaha u jeediyayna waxaa ka mid ahaa, “Aad ayaad ugu mahadsan tihiin soo dhowaynta wanaagsan aad noo sameyseen anagu xiligan uma socono ololayn (campaign) doorasho waayo taas waqtigeediiba lama gaadhin oo salaad waliba xiligeeda ayaa la tukadaa walina komishanka qaranka ayaa laga sugayaa in ay cayimaan, haseyeeshee socdaalkayagu waa mid ku salaysan kormeerka iyo dhismayaasha arrimaha xisbiga iyo hawliihiisa kala duwan, taas ayaan leeyahay yaan si kale loo qaadan
Xoghayaha xisbiga Jaamac Yaasiin Faaax oo khudbad dheer ka soo jeediyay xarunta xisbiga ee gobolka sool ayuu ku sheegay inuu ku faraxsanyahay imaanshaha magaalada laascaanood isaga oo sheegay in lagula taliyay inuusan iman laascaanood laakiin uu diiday wuxuuna sheegay in magaaladu ay amaan tahay wixii horey loogu sheekeeyayna ay been noqotay
Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB waa socdaalkiisi koowaad ee uu ku tago Gobolka sool tan iyo intii xilkaa loo doortay, waxaana lagu wadaa inuu kulamo la yeesho, masuuliyiin iyo madaxda xisbiga iyo qaar kaleba
Universaltv
laascaanood
Post new comment