Waxaa magaalada Gaalkacyo wada xaajoodyo ay uga bilaabeen Maamulada Puntland iyo Galmudug ee kawada arrimiya Magaaladda Gaalkacyo.
Wada hadaladaan ayaa maanta ka dhacay Garoonka Diyaarada ee Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu soo qaaday, hishiisyo ay labada dhinac ay isla gaareen kol hore balse wali aysan jirin cid meelmarisay hishiiskaas oo dhigayey Kala xadaynta labada Maamulka qaybaha ay kala maamulaan magaaladda, iyo in iskaashi buuxa ay labada dhinacba ka yeeshaan sugida amniga magaaladda Gaalkacyo.
Goob joogayaal maanta ka ag dhawaa madasha wada hadaladu ka socdeen ayaa Shabakada Warar ee allburtinle u xaqiijiyey inay dhinacyadu isla gaareen fulinta Qodobo ka kooban 11 Qodob oo khuseeya sidii magaaladda gaalkacyo ay u noqon lahayd mid ka caagan inay mar danbe ka dhacaan dagaalo macno darro ah.
Magaalada Gaalkacyo ayaa dhammaadkii sanadkii tagay waxaa ka dhacay dagaal aan waxba lays kula haran oo dhexmaray dhinacyada ka arrimiya magaalada gaalkacyo kaasoo galaaftay nolosha dad shacaba oo aan waxba galabsan, wixii intaa ka danbeeyana waxaa socday wada hadalo gaabisa ah oo ay yarta hay nuxurka kasoo baxa.
Si kasta ha ahaatee gacan kahadalka iyo qalalaasaha ku soo noq noqda magaaladda gaalkacyo waa mid salka ku haya sida ay dadweyna reer gaalkacyood aaminsan yihiin inuu yahay Maamul xumo baahday iyo ayadoo ay maamulka Koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug ay lacago aan xisaab la hayn ka qaadan jireen Dowladda Hoose ee Gaalkacyo taas oo uu hadda hor is taagay Duqa Cusub ee Gaalkacyo Md.Cabdiraxmaan Xaaji Xasan.
Post new comment