Iran oo Aqbashay inay Dibada u Dirto Farsamadeeda Nukliyeerka

Thu, 04/02/2010 - 04:31

Madaxweynaha Iran ayaa markii u horeysay ka dhawaajiyey inaanay wax dhibaato ah ku jirin inay Iran Farsamadeeda Nukliyeerka u dirto Dibada sida uu dhigayo Qorshaha Qaramada Midoobay

Ahmadinejad wuxu sheegay inaanay wax dhibaato ah lahayn haddii dhawr bilood Macdanta Uraniyamka loogusoo bacrimiyo wadamada kale oo kadib iyadoo Shidaal ah lagusoo celiyo dalka Iran.

" Dad baa laga yaaba inay ku wareeraan laakin wax dhibaato ah malahan, waanu saxeexayna heshiiska waxaanuna siinayna 3.5 Boqolkiiba Uraaniyumka si losoo bacrimiyo in ku dhaw heerka boqolkiiba labaatan afar ilaa shan bilood kadibna dib naloogusoo celiyo" ayuu yidhi Madaxweyne Nejad.

Madaxweynuhu wuxu meesha ka saaray dareenka ay qabaan qaar reer Iran ah oo sheegaya inaan reer Galbeedku Iran kusoo celin doonin macdanta Uraniyumka isagoo sheegay inay Iran taa kaga jawaabi doonto iyadoo Kobcisa Macdanteeda.

" Hadaanay soo celin, maxaa dhici doona?, waxa cadaan doonta inaynu saxsanahay waxaynuna u cadayn doona Hayada IAEA inaan iyada la isku halayn karin kalsooniduna ka luntay, kadibna si xor ah oo aynu isku haleenayno nafteena ayeynu u shaqayn doona" ayuu yidhi Madaxwyene Ahmadinejad.

Maraykanka ayaa si taxadar leh usoo dhaweeyey Dhawaaqaha Madaxweynaha Iran waxayna sheegayn in Hayada IAEA ay ka shiri doonan qaabka loo wajahayo hadday Iran ka dhab tahay soo jeedintaasi. sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada Maraykanka PJ Crowley.

Waa Dhawaqii ugu horeyey ee kasoo baxa Xukuumada Islaamiga ee Iran ee lagu ogolaanayo Qorshaha Qaramada Midoobay ay ku doonayso in Macdanta Uraniyanka laga qaado Dalka Iran oo dibada lagusoo farsameeyo iyadoo Tamar ahna lagusoo celiyo dalka Iran.

Post new comment

  • Web page addresses and e-mail addresses turn into links automatically.
  • Allowed HTML tags: <a> <em> <strong> <cite> <code> <ul> <ol> <li> <dl> <dt> <dd>
  • Lines and paragraphs break automatically.

More information about formatting options

CAPTCHA
This question is for testing whether you are a human visitor and to prevent automated spam submissions.
6 + 12 =
Solve this simple math problem and enter the result. E.g. for 1+3, enter 4.