Daraasad iyo tijaabooyin Lagu ogaaday waxyaabaha looga hortagi karo Duq Nimada.

Thu, 04/02/2010 - 03:12

Daraasad iyo tijaabooyin ay sameeyeen khubaro u dhashay wadanka Canada ayaa waxaa lagu ogaaday in vitamin C-gu uu ka hortago gabowshaha dagdaga ah,ka dib markii ay in muddo ah ku tijaabiyeen labaa Jiir kuwaasi oo ka cabanayay gabowsho ku yimid xilli hore.

Culimadani waxay u sheegeen xarunta cilmi baadhista xanuunada Kansarka in uu Vitamin C-gu uu ka daweeyay laba jiir oo ka cabanayay in muddo ahba xanuunada ku dhaca jiiniska(genes) ,kaasi oo keena in uu qofka isagoo da,da labaatanka ah ku jira uu ku yimaado calaamado gabow tilmaamaya,taasi oo keenaysa in uu qofku si dagdaga u gaboobo.

Mid kamida khubarada ayaa sheegay in daraasadani ay faaiido wayn utahay dadka ka cabanaya dhibaatooyinka dhinaca jiiniska(genes),kaasi oo xidhiidh la leh xaga cimriga ama da'da.

Post new comment

  • Web page addresses and e-mail addresses turn into links automatically.
  • Allowed HTML tags: <a> <em> <strong> <cite> <code> <ul> <ol> <li> <dl> <dt> <dd>
  • Lines and paragraphs break automatically.

More information about formatting options

CAPTCHA
This question is for testing whether you are a human visitor and to prevent automated spam submissions.
10 + 9 =
Solve this simple math problem and enter the result. E.g. for 1+3, enter 4.