Madaxweynaha mareykanka oo ku hanjabay inuu cunaqabatayn saari doono dawladda sudan
madaxweynaha mareykanka Barack Obama ayaa ku booriyay xukuumada sudan inay badiso iskaashiga lagu rinayo nabadgelyada koonfurta wadankaasi sudan gaar ahaan gobolka Daafuur oo dagaalo ka dheceen sanadkii tagay bilawgiisii
Hadalkan madaxwyne Obama uu soo jeediyay ayuu ka sheegay su,aalo dhawr ahaa oo saxaafada u mariyeen youtobka isaga oo xusay hadii madaxda sudan ka dhaga adeegaan ay beesha caalamka cunaqabatan ku soo rogi doonto
Maamulada Koonfurta iyo Waqooyiga Sudan ayaa lagu soo waramay inay dhisayaan ciidamadooda ka hor inta aan la gaarin codbixinta la xiriirta in madaxbanaani la siiyo iyo in kale Koonfurta sanadkan 2011.Qunsulka Guud ee Ethiopia Negash Legesse ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in qaar ka mid ah hubka laga soo keenay Ethiopia loogu qaaday SPLA inay iska eegaan.
Waxa uu sii raacayay waxay ahaayeen qoryo tijaabo ah, qaar Kalashnikovs nooca la yiraahdo ah iyo qaar ah kuwa ay soo saarto Ethiopia.
Dhinaca kale warqadda markabka hubka sida ee ay heystaan burcad badeeda Soomaalida oo BBC ay heshay nuqul ka mid ah ayaa waxa ku qor Erayada GOSS oo loo soo gaabiyo Dowladda Koonfurta Sudan. Warar diblomaasi oo kale ayaa iyaguna sheegaya in hubka markabka saaran loo gudbin lahaa Koonfurta Sudan. Laakiin wasiirka arrimaha dibedda Kenya ayaa isna xarfahaasi ku fasiray micno kale oo ah addeegga guud ee caadiga ee nabadgalyada oo uu sheegay in yihiin xarfo si gooni ah ay u isticmaalaan wasaaradooda gaashaandhiga.
Post new comment