Masar oo qaaday koobka AFRIKA

Mon, 01/02/2010 - 12:22

Kooxda faraaciinta ayaa sanadkii sedexaad la hooyday koobka Qaramada Africa ee ka socday dalka Angola ka dib markii hal gool ay ugu awood sheegteen qaranka Ghana ee kama dambesyta cayaaraha soo gaaray.
Qaranka Masar oo ku soo hishiiyay guushaasi ayaa taageerayaashooda kaga farxiyay guusha isla markaana ku iloowsiiyay qasaarihii Al-jeeriya dusha u surtay ee lagaga reebay koobka aduunka in ay ka qeyb galaan .

Qaranka Masar oo horay loogu saadalinayay guusha ayaa dhanka kale qaatay qiimeynta abaal marinta kala ah cayaar wanaaga, cayaar yahanka ugu fiicnaa intii ay socdeen cayaarahaan iyo iyadoo Qaranka Masar hal mar aan laga guuleusan intii ay socdeen cayaarahaan .

Qaranka Ghana ee laga oohisiiyay ayaa ku rajo weynaa in Masar ay ka faramaroojistaan hanashada koobkaan sanadkii sedexaad laakiin Maxamed Gedo ayaa Ghana u diray fariin adag oo uu ku leeyahay riyo maalmeed ayaad ku jirtaan , iyadoo gool si wacan uu uga soo shaqeeyay laacibka Zidan u ku hubsaday shabaqa Ghana .

Horyaalka Ingiriiska ayaa la cayaaray kulamo aad u xiisa badnaa , kooxda shayaadiinta gad gaduudan ee Man United ayaa cashar kale u dhigay kooxda Arsenal oo cayaartooyda ku soo balameen in ay ka aar gutaan kooxdasi , laakiin taasi ma dhicin .

Arsenal oo kulankii hore ee isla horyaalka ingiriiska ay wada qaateen Man United lagana badiyay ayaa lagu garaacay 1/3 , iyadoo taageerayaasha Arsenal kala laabteen garoonka iyaga oo niyad jabsan faruuryahana qaninaya .

Kooxda Man City ee ay leeyihiin hantiilayaasha reer Imaaaraad ayaa iyana dhulka ku jeeday kooxda Portsmouth , laba gool ayayna ku macsalaameysay iyadoo booska afaraad qarka u saaran in ay cariirsato .

Post new comment

  • Web page addresses and e-mail addresses turn into links automatically.
  • Allowed HTML tags: <a> <em> <strong> <cite> <code> <ul> <ol> <li> <dl> <dt> <dd>
  • Lines and paragraphs break automatically.

More information about formatting options

CAPTCHA
This question is for testing whether you are a human visitor and to prevent automated spam submissions.
2 + 15 =
Solve this simple math problem and enter the result. E.g. for 1+3, enter 4.