Angola oo ku bar baratay Malawi .

Fri, 15/01/2010 - 13:38

Dadka reer Angola ayaa si aad ah u dabaal dagay xalay kadib marki kooxda qaranka dalkaasi ay 2-0 uga badisay kooxda Malawi ciyaar ka tirsaneyd koobka Qaramada Africa.

Kooxda Angola oo dalkeeda lagu qabanayo tartankan ayaa kulankeedi hore waxa ay 4-4 ah la gashay xulka Mali iyadoo waliba Angola laga daba tagay.

Angola ayaa guushaasi waxa ay u suurta gelisay in ay hogaanka u qabato Group ay ku jrto kadib marki Algeria ay 1-0 uga badisay kooxda Mali.

Weeraryahanka xulka Angola Flavio ayaa dhaliyey goolkiisii sadexaad ee tartanka kadib gelinki labaad ee ciyaarta,goolka labaad waxaa ku daray weeraryahankii hore ee kooxda Manchester Manucho.

Inkastoo Malawi laga badiyey hadana kaalinta labaad ayey ku jirtaa waxaana ay isku dhibca yihiin kooxda Algeria.

Algeria waxay ka fakatay in ay noqoto kooxda ugu horeysa ee tartanka ka harto sababtoo ah kulanki hore ayaa waxaa ka badiyey Malawi hase yeeshee waxaa badbaadiyey Rafik Halliche.

Waxa ay noqoneysaa kooxdi ugu horeysay oo ka mid ah dalalka Africa uga qeybgalayo Koobka Aduunka ee guul ka keena tartankan.

Galabta ayaa waxaa la filayaa in ay fooda is daraan xulalka Ghana iyo Ivory Coast oo ah laba dal oo aanan helin wax guul ah kana mid ah dalalka ugu awooda badan Africa dhinaca kubada cakta.

UNiversaltv

Post new comment

  • Web page addresses and e-mail addresses turn into links automatically.
  • Allowed HTML tags: <a> <em> <strong> <cite> <code> <ul> <ol> <li> <dl> <dt> <dd>
  • Lines and paragraphs break automatically.

More information about formatting options

CAPTCHA
This question is for testing whether you are a human visitor and to prevent automated spam submissions.
2 + 0 =
Solve this simple math problem and enter the result. E.g. for 1+3, enter 4.