Mareykanka Oo Miisaaniyad Cusub u sameynaya Dagaalka uu ka wado Afghnistan

Wed, 13/01/2010 - 05:08

Dawladda Mareykanka ayaa wada qorshe ay kaga codsanayso Kongareeska Mareykanka miisaaniyad dheeraad ah oo dhan 33 Billion dollars si ay ugu bixiso dagaalada ka socda wadanka AFghanistan

Sida laga soo xigtay wakaalada wararka ee Associated Press news agency miisaaniyad cusub ee la dalbaday lagu kordhinayo miisaaniyad ay horey u soo bandhigtay wasaaradda Gaashandhiga mareykanka taas oo ka badnayd 708 billion dollars

Miisaaniyadan cusub ee dheeriga ah ayaa lagu balaadhinayaa dagaalka afhganistan iyadoo madaxweynaha mareykanka uu horey u amray in ciidamo dheeri ah oo 30 kun ah loo diro afghanistan

qaar kamid ah mas,uuliyiin diiday inay la xuso magacooda ayaa sheegay in sanadka soo socda 2011 laga yaabo in miisaaniyada wasaaradda gaashandhiga mareykanka uu gaadhi doono 700 billion dollars waana markii ugu horeysay ee taariikhda mareykanka la arko miisaaniyada wasaaradda gaashandhiga mareykanka oo isticmaalaysa miisaniyad intan la eg

Post new comment

  • Web page addresses and e-mail addresses turn into links automatically.
  • Allowed HTML tags: <a> <em> <strong> <cite> <code> <ul> <ol> <li> <dl> <dt> <dd>
  • Lines and paragraphs break automatically.

More information about formatting options

CAPTCHA
This question is for testing whether you are a human visitor and to prevent automated spam submissions.
3 + 3 =
Solve this simple math problem and enter the result. E.g. for 1+3, enter 4.