Xulka Cubadda Cagta Masar ayaa saddex gool iyo Hal ugu awood sheegtay Xulka Kubadda Cagta Nigeria cayaar ka tirsan koobka Qaramada Afrika ee ka socda Angola oo ka dhacay magaalada Benguela waana ciyaaroodii ugu horeysay ee guruubka C
Masar ayaa Guruubkan hogaaminaysa maadama ay barbar dhac galeen labada koox ee ka kala socday Mozbaiq and Benin masar ayaa doonaysa inay difaacato koobka oo iyada haysata
Ciyaartan oo ahayd mid xiisa badan ayaa waxay ku soo dhamaatay saddex gool iyo Hal iyadoo horeyba uu u sheegay tababaraha Masar inuu ku rajo weyn yahay inuu ka badin doono Xulka Neyjeeriya
dhanka kale Cayaaryahanka reer Nigeria Kanu ayaa mar sii horeysay beeniyay warar sheegaya in muran uu ka taagan yahay dhexdooda oo ku saabsan cayaarta ay maanta isaga hor imanayeen Egypt.
Cayaaryahan Kanu ayaa ku adkeystay in aanu muran kala dhaxeyn tababare Shaibu Amodu.
Universaltv
Post new comment