Waxaa caawa ka soo dhaxmuuqday tartanka Horyaalka dalka Ingiriiska ciyaar ku dhaxmareysay garoonka kooxaha kale ah Manchester City iyo Blackburn Rovers wiil Soomaaliyeed oo ka tirsan kooxda MAN City magaciisana la yiraahdo Cabdi Salaan Cabdul Qaadir ibraahim ‘’Caddaay
Run ahaantii caawa waxay u ahayd Soomaalida degan dalka Ingiriiska habeen farxadeed kadib markii ciyaarta labada kooxood ku dhaxmareysay tartanka Horyaalka Dalkan Ingiriiska oo dunida dhan si toos ah looga daawanayay uu ka soo dhaxmuuqday ciyaaryahankan mustaqbalka wanaagsan islamarkaana ah Wiil Soomaaliyeed oo muda ka soo tirsanaa kooxda dhalinyarada Mustaqbalka kooxda Manchester City
ugu dambayntii ku guulaystey inuu u soo gudbo kooxda heerka kowaad ee Man City
Kooxda Man City ayaa waxaa macalin u ah macalinka Robert Mancini oo u dhashay dalka Talyaaniga islamarkaana ahaan jirey ciyaaryahan aad ugu wanaagsan kubadda cagta soona noqday macalinka kooxda Inter Milan ka hor inta uusan noqonin macalinka kooxda Manchester
Kooxdatan ayaa waxaa iska leh hantiile u dhashay dalka Imaraadka Carabta shirkadatan( Abu Dhabi United Group islamarkaana waxaa u safta ciyaaryahano caan ah sida Robinho, Taves, Viera, Adabayor, Koule Toure . Bellamy Shay given, Shaun Wright Philipps,
Gereth Barry iyo ciyaaryahano kale, waxaana la saadaalinayaa inay soo iibsan doono laacibiin kale oo dunida magac weyn ku leh kubadda cagta waqtiyada soo socda madaama hantiilaha Carbeed uu doonayo inuu kooxda Manchester City ka dhigi mid ka mid kooxaha ugu awooda badan dunida.
C/salaam waa 18 sano jir ka dhashay 1991 markii dalkeenii uu burburey balse waxaase dhalay C/qaadir Mohamed Ibraahim oo ku magac dheer Caddaay oo ahaanjirey Garsoorayaashii kubadda
cagta dalka Soomaaliya islamarkaana noqday garsoore caalami ah, waxaan qadka telefoonka kula tiigsaday caawa isagoo ku sugan garoonka Man City si aan wax uga ogaado habeenka
taariikhiga ah iyo jawiga farxadeed ee wiilkiisa
waxay noo tahay dhamaanteen habeen farxadeed Soomaali oo dhan, waxaana filayaa in magacii Soomaaliyeed iyo C/salaan laga sheegayo ideecadaha kale duwan ee laga daawanayo ciyaartan ku dhaxmareysa
kooxaha kale Man City iyo Blackburn, aniga waxaan dareemayaa farxad iyo inay tahay tilaabo aan u qaadnay xaga Isboortiga meel fiicana aan mareyno Ilaahna waxaan ka rajaynaynaa inuu nala garab galo guulna uu ka gaari doono C/salaam kubadda cagta Insha Allah, balse waxaan waalidiinta Soomaaliyeed xusuusinayaa inay caruurtooda mustaqbalkooda sidii ay xooga u saari lahaayeen ay ku dadaalan ayuu mudane C/qaadir Caddaay oo markaas ku sugnaa garoonka
Kooxda Manchester City iyo kooxda Blackburn ciyaartii dhaxmareysay waxay ku dhamaatey in 3
Goal iyo 1 Goal ay ku badiyaan kooxda Manchester City, halka C/salaam yarane uu ka mid ahaa ciyaaryahanada Kaydka u fadhiday kooxdiisa., tanina waa biloow wanaagsan marka aan eego da’diisa iyo ciyaaryahanada waaweyn ee magaca ku leh kubadda sida uu wax ula qaybsanayo insha Allahna waxaan u rajaynaynaa guul iyo horumabadan
Post new comment