Weeraryahanka kooxda Chelsea iyo xulka Ivory Coast Didier Drogba ayaa loo caleema saaray xidiga sanadka 2009 ee BBC-da ee Qaarada Africa.
Laacibkan ayaa ka guuleystay xidigaha kala ah Samuel Eto'o, Michael Essien, Yaya Toure, iyo Tresor Mputu Mabi oo dhamaan ku loolamayey.
Natiijada waxaa loogaga dhawaaqay dalka Angola halkaas oo si toos ah loogaga tabinayey barmaamijka ciyaaraha Afica ee BBC African Service Fast Track programme.
Drogba ayaa haatan isu diyaarinaya ciyaaraha Africa ee asbuuca soo aadan ka furmaya Angola halkaas oo uu hor kici doono dalkiisa
Post new comment