Fabio Capello oo isha ku haya David Beckham

Thu, 07/01/2010 - 04:34

Ciyaaryahanka 35 jirka ah ee reer Ingiriis David Beckham ayaa ahaa ciyaaryahanka ugu cadcad ciyaartii ay la ciyaareen Kooxda Genoa oo AC Milan 5-2 ugu awood sheegatay garoonkeeda San Siro

Ciyaartan oo uu daawanayay Tababaraha England Fabio Capello wuxuuna aad ugu faraxsanaa kaalinta firfircoonida uu u ciyaarayay David Beckham oo ka ciyaarayay dhanka weerarka isaga oo ka faaideystay maqnaasha ay maqnaayeen labada ciyaaryahan ee dhaawaca u maqan Pato Iyo Seedorf

Tababaraha England Fabio Capello ayaa laga yaabaa in liiska uu ku darsado David Beckham ciyaaryahanada u safan doona koobka aduunka oo lagu qaban doono South Africa

Beckham ayaa lix bilood oo amaah ku qaadan doono Kooxda Milan, iyadoona markaan ay tahay tii 2aad ka dib markii bilowgii 2009 uu lix bilood oo aad u wanagan la qaatay Kooxda Milan, isagoona ka dib dib ugu laabatay Naadigiisa LA Galaxy.

Dhinaca kale Tababare Fabio Cappelo ayaa isniintii sheegay inuu Beckham u wadi doono Ciyaaraha Adduunka , haddii uu si wanagsan ugu dhex muuqdo Kooxdiisa cusub Ee Milan.

.Dhab ahaantii waan u waci doono Beckham ,haddii uu Physically fit yahay iyo sidoo kale haddii uu ciyaaro wanaagsan ka soo bandhigo Milan…” Capello told Italian newspaper Gazzetta dello Sport.

Ma fiirinayo Da’da, ee waxaan eegayaa sida uu ugu diyaar garoobo, Beckham waqti badan ayuu heystaa, isaga waa ciyaaryaahan weyn, waana ogahay inay muhiimad weyn u leedahay ciyaarista Koobka Adduunka 2010…”

Dhinaca kale Ciyaaryaahn Ronaldinho ayaa diyaar u ah inuu saxiixo qandaraas cusub oo gaaray ilaa 2013, isagoona beeniyay hadalo dhawan ay warbaahinada Talyaaniga iyo Brazil ay isla dhex marayeen kuwaasoo sheegayay inuu Ronaldinho doonayo inuu ku laabto Brazil.

Dinho oo lahadlayay saxaafada ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu Milan ku sugnaado ilaa ay Da’diisa ka gaareyso 33 sano xilligaas oo ku aadan 2013.

Hadalka Ronaldinho ayaa imaanaya Xilli lix Naadi oo Brazilian ah oo si weyn u xiiseynayaan inay Ciyaaryahanka geeyaan Horyaalka Brazil.

Post new comment

  • Web page addresses and e-mail addresses turn into links automatically.
  • Allowed HTML tags: <a> <em> <strong> <cite> <code> <ul> <ol> <li> <dl> <dt> <dd>
  • Lines and paragraphs break automatically.

More information about formatting options

CAPTCHA
This question is for testing whether you are a human visitor and to prevent automated spam submissions.
2 + 1 =
Solve this simple math problem and enter the result. E.g. for 1+3, enter 4.