Ciyaaraha Ingiriiska oo loo baajiyay Baraf dhacaya awgiis

Wed, 06/01/2010 - 05:43

Xiligan oo baraf iyo dhaxan xad dhaaf ah oo ka dhacaysa guud ahaan wadanka Ingiriiska ayaa waxay sababtay in gabi ahaanba la joojiyo maalntii shalay iyo maanta in la ciyaaro ciyaaro horey loogu qorsheeyay inay qabsoonto ciyaarahaas oo ah koobka Carling Cup-ka

Ciyaaraha Lagu waday inay qabsoomaan ayaa waxaa kamid ah in kooxda Blackburn Rovers ay gurigeeda ku marti galin lahayd naadiga Aston Villa Iyo labada kooxood ee isku gobolka ah islamarkaana ay xiliftanka weyn ka dhaxayso waa Manchester City oo garoonkeeda kula ciyaari lahayd Manchester United

Inkastoo markii hore lagu dadaalay inay ciyaarahan qabsoomaan ayaa haddana waxaa suurta gal ka dhigi weyday baraf xoogleh oo ka dhacayay waqooyiga Ingiriiska taas oo markii dambe ee dib loo dhigay

lama hubo goorta ay ciyaari doonaan Blackburn Rovers iyo Aston Villa hasayeeshee kooxaha Manchester City iyo Manchester United ayaa la sheegay inay wada ciyaari doonaan maalinta Talaadda ah ee 19 bishan aan ku jirno

Post new comment

  • Web page addresses and e-mail addresses turn into links automatically.
  • Allowed HTML tags: <a> <em> <strong> <cite> <code> <ul> <ol> <li> <dl> <dt> <dd>
  • Lines and paragraphs break automatically.

More information about formatting options

CAPTCHA
This question is for testing whether you are a human visitor and to prevent automated spam submissions.
12 + 2 =
Solve this simple math problem and enter the result. E.g. for 1+3, enter 4.