Ricardo Quaresma oo laga yaabo in uu ku sii nagaado Garoonka san sirio

Thu, 24/12/2009 - 15:01

Wararka ka soo baxaya Kooxda inter milaano ayaa sheegaya in ciyaaryahanka reer Portugaal ee Quaresma uu sii joogi doono kooxda sanada soo socota xili dalabya kala duwan ay soo garayeen.

Wakiilka ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Inter Ricardo Quaresma ee la yiraahdo Jorge Mendes ayaa u xaqiijiyey Webka Goal in Quaresma uu meelna uga socon naadigiisa, islamarkaana uu ku qanacsan yahay.

Mr Mendez ayaa hadalkaan sheegay markii ay soo bateen warar maalmahan ay isla dhex mareysay warbaahinta Talyaaniga kuwaas oo sheegayey in bisha Janaayo ee sanadkaan uu ka dhaqaajin doono Quaresma kooxda Inter Milano. Islamrkaana uu qaban doono dalka UK ama Spain.

Ricardo Quaresma oo ah laacib u dhashay dalka Portugal kana ciyaara garabka midig ayaa kooxda Inter kagana soo biiray kooxda FC Porto waxa uu ahaa mid mugdi galay booskiisii taa oo markii danbe keentay xitaa in dayn ay ku qaadato kooxda Chelsea balse dib mar kale Talyaaniga ugu soo laabtay.

Kooxaha ciyaar yahankaan soo dalbday ee isla dalka Talyaaniga ayaa waxaa ka mid ah kooxaha Lazio iyo Palermo.

Post new comment

  • Web page addresses and e-mail addresses turn into links automatically.
  • Allowed HTML tags: <a> <em> <strong> <cite> <code> <ul> <ol> <li> <dl> <dt> <dd>
  • Lines and paragraphs break automatically.

More information about formatting options

CAPTCHA
This question is for testing whether you are a human visitor and to prevent automated spam submissions.
8 + 10 =
Solve this simple math problem and enter the result. E.g. for 1+3, enter 4.