09Xulka gobolka Sanaag ayaa waxaa ay galabta ka badiyeen xulka gobolka Ceyn kuwaas oo ku hardamay garoonka Kubadda Cagta ee Mire Awaare Stadium halkaas ay ka socoto Ciyaaraha gobolada Puntland kaas oo galay wejiga ugu adkaa badan.
Xulka gobolka Sanaag ayaa waxaa ay galabta ka badiyeen xulka gobolka Ceyn kuwaas oo ku hardamay garoonka Kubadda Cagta ee Mire Awaare Stadium halkaas ay ka socoto Ciyaaraha gobolada Puntland kaas oo galay wejiga ugu adkaa badan.
Qeybti hore ee Ciyaarta xulka gobolka Sanaag ayaa waxaa u suurtagashay in ay shabaqa xulka gobolka Cayn ay ku ruxaan goosha koowaad,waxaana qeybta hore ee ciyaarta ku dhamaatay 1-0 oo ay ku hogaaminayso xulka gobolka Sanaag.
Qeybta dambe ee ciyaarta marki la isku soo noqday ayaa xulka gobolka Ceyn ay sameyeen dadaalo dheeri ah oo ay ku doonaayeen in ay soo bareejeyaan xulka gobolka Sanaag,balse arintaas waxaa ka hortagay xulka gobolka Sanaag oo mudo ka dib ay dhaliyeen goolka labaad oo niyad jab xoogan ku noqotay xulka gobolka Ceyn.
Gobolka cayn ayaa muujiyey cayaar farsamadeedu aad u sareyso waxayna heleen fursado badan oo ay ku dhalin kareen goolal, waxaa sidoo kale ay heleen fursad ah rikoore kaas oo aysan ka faa’iideysan.Sagaashaanka daqiiqadood ee lagu talagalay ciyaarta ayaa waxaa ay ku soo dhamaatay 2-0,halkaas oo ay guusha ku raacday xulka gobolka Sanaag oo guruubka labaad ee B iyada iyo xulka gobolka Mudug ka soo baxeen, halka cayaaryahanada xulalka Ceyn iyo Karkaar ay isaga boorsooyinkooda qaateen.
Waxaa durbadiiba la sameeyey isku aadin,iyadoo lagu wado wareega Semi-finaalka ay isku arkaan xulalkaan;
Sanaag Vs Bari. Mudug Vs Sool.
Waxaana intaa ka dib loo gudbin doona wareega kama dambeysta ah ee loo yaqaano Finaalka,waxaana iminka lagu jira marxaaladi ugu xiisaha badnaa maadaama xul weliba ay doonayso in ay qaado koobka.
Post new comment