Lamaane is qaba oo u dhashay wadanka maraykanka ayaa waxa ay iska galeen aqalka Cad ee Maraykanka looga taliyo iyada oo aan looga yeedhin casho sharaf loo qabtay Raysal wasaaraha dalka Hindiya 24.11.2009.
Lamaanahan oo lagu magacaabo ninka Tareq Salahi Xaaskiisan Michaele Salahi ayaa iska soo galay aqalka maraykanka iyaga oo si sahal ah uga soo gudbay dhamaan goobihii nabad galyada aqalka cad lagu sugayey, dhexdana u soo galay marti sharaftii xaflada Cashad oo gaadhayey 400 oo qof, waxayna si heersare ah isula sawireen madaxweynaha maraykanka Obama iyo ku xigeenkiisa Baden , iyo dhamaan madaxdii isugu timi goobta oo ay gacan qaadeen.
Hasa yeeshee lamaahani miis may fadhisan cashadana kama qayb galin sababtoo ah magacyada dadka la casuumay ayaa miiskasta ku qornaa, markii ay sawiradii iskala qaadeen dhamaan madaxdii goobta ayey iska soo baxeen. Waxaa arrintani ay muran ka dhalisay kongarayska maraykanaka oo aad laysu weydiiyey sababta ay laba qof oo aan looga yeedhin Aqalka cad ay u soo dhafeen dhamaan goobaha nabad galyada , isla markaan u soo gaadheen madaxweynaha maraykanka , arrintan oo kaliftay in loo yeedho madaxa nabad galyada aqalka cad oo gudiga nabadgalayag Kongarayska maraykanku su,aalo ka weydiiyeen sababta keentay in ay labadan qof oo aan looga yeedhin xaflada u soo galaan aqalka cad, ayaa madaxa nabad galyada aqalka cadi wuxuu ku jawaabay in uu su,aashaas isweydiiyey 1000 jeer siday u soo dhaafeen dhamaan goobaha baadhitaanka.
Arrintan ayaa dood dheer ka dhalisay Maraykanka waxaana aad loola yaabay sida sahlan ee labadan u gaadheen Madaxda maraykanka ugu saraysa iyada oo aan la ogaan oo intay isla soo sawireen haddana isaga soo baxeen, gudiga nabad galyada ayaa codsatay in loo yeedho lamaanaha si waxlooga weydiiyo sida ay u soo galeen aqalk Cad, hasa yeeshee lamaanuhu way diideen in ay soo horfadhiistaan gudiga kongarayska, waxaana hadda lagu wadaa in khasab loosoo hor fadhiisyo gudidan si su,aalo looga weydiiyo sida ay ugu guulaysteen in ay gaadhaan madaxweynaha Maraykanka. Madaxweyne ku xigeenka maraykanka ayaa la weydiiyey lamaanahan markay isla sawirayeen siduu u arkayey, wuxuuna sheegay in ay ula dhaqmeen sidii dad waligoodba isyaqaanay, wuxuu yidhi aniguna waxaan ula dhaqmay si wanaagsan , waxaana u arkayey dadka xaflada lagu casuumay, taas oo keenaty in uu si wanaagsan dhexda u qabsaday xataa gabadha.
Lamahan ayaa wax ay ku caanbaxeen in ay had iyo jeer tagaan goobaha xafladaha waaweyn ka jiraan, iyaga oo si qurux badan u soo labista si aan looga shakiyin, dabadeedna indha sarcaadiya waardiyaha goobtaas, waxay hore sidan oo kale ula kulmeen amiir ka tirsan amiirada Ingiriiska iyaga oo xaflad iska soo galay,.
Madaxbadan oo ka tirsan Kongarayska ayaa aad ugu doodaya in la ciqaabo lamaanahan , danbina lgu soo oogo, waxayna dhaliileen madaxnabad galyada aqalka cad oo ay sheegeen in madaxdaa dalka khatar gashay, sanadkii 1980 laga soo bilaabo ilaa sanadkan waxaa ka dhacay aqalka cad 91 dhacdo oo dhamaantood loogu soo dhawaaday madaxda maraykanka oo dad khadar ku ahi soo gaadhaan, iyada oo la ogyahay madaxweynaha maraykanku yahay madaxweynaha loogu weerar badan yahay madaxda aduunka sidii loo dili lahaa, inta la ogyahay waxaa la dilay sadex madaxweyne , waxaana la sigay ilaa 5 madaxweyne.
Post new comment