Madaafiic xoogan ayaa xalay saqdii dhexe lagu garaacay xaafado ku yaala degmooyinka Waqooyi ee Magaalada Muqdisho.
Madaafiicda ayaa ahaa kuwo ka soo dhacayay xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaliya oo xiligaas Hoobiyayaal lagu garaacay.
Dadka ku dhaqan Muqdisho ayaa mar kaliya xalay ku soo toosay hugunka Madaafiicdaasi oo isugu jiray Hoobiye iyo BM-ay soo tuurayeen ciidamada AMISOM.
Xaafada Juungal oo ka mid ah xaafadaha degmada yaaqshiid ayaa ahaa halkii ay ku dhaceen madaafiicda ugu badan ee ka soo dhacayay xarunta Madaxtooyada.
Waxaana la xaqiijiyay in ay sababeen dhaawaca ilaa iyo 5-ruux oo ay ku jirtay Haweeney da'ah.
Dhinaca kale dadkii tirada yaraa ee ku haray xaafadaha degmada Wardhiigleey ayaa saaka isaga barakacaya guryahooda kadib markii ay la soo gudboonaatay Koronto iyo biyo la'aan xoogan











